Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay fuliyay, weeraro ka dhan ah askarta Dowladda Fedaraalka oo ka kala dhacay duleedka magaalada Muqdisho, iyo degmada Qansaxdheere oo katirsan gobalka Baay.
Weerarka koowaad waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, fariisin ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin, degaanka Arbacow oo dhaca duleedka Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay weerar ku qaadeen, fariisin ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay.
Dhanka gobalka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya wararka laga helayana waxay sheegayaan, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerareen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin halkaas.
Saldhigga lagu weeraray ciidanka Kenya ayaa ku yaalla degaanka 50 oo hoostaga degmada Qorof-Xaraar ee gobalka Wajeer ee dhulka NFD oo kamid ah dhulalka Muslimiinta ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.