Maalintii shalay oo JImco ahayd, waxaa weerar toorreyn ah uu ka dhacay galbeedka dalka Jarmalka, kaasoo lagu beegsaday dad Jarmalka u dhashey.
Qof toorrey ku hubeysan ayaa weerar ku qaaday goob ay munaasabad ka dhaceysay oo ku taalla magaalada Zolingin ee galbeedka dalka Jarmalka, waxaana uu weerarka uu geystay waxyeello isuga jirta dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaran 3 qof ayay warbaahintu xaqiijineysaa in lagu dilay weerarkan, halka ay jiraan tiro kale oo dhaawacyo ah, kuwaasoo heerka dhaawacooda kala duwanyahay.
Dadka la weeraray ayaa ku sugnaa bartamaha suuqa magaalada, waxaana ay dhigayaan dabaaldegyo ay ku weynaynayaan dhowr boqol sano kahor dhismihii magaalada Zolingin, sida ay warbaahinta maxalliga ah soo tabisay.
Mid kamid ah qaban-qaabiyaasha xafladda weerarka lagu qaaday ayaa warbaahinta u sheegay, in kooxaha badbaadada ay halgan ugu jiraan sidii loo badbaadin lahaa ugu yaraan 9 ruux oo dhawacyadoodu liitaan.
Illaa iyo hadda dowladda Jarmalka kama hadlin nooca weerarka iyo waxa uu salka ku hayo, waxaana inta badan weerarada keligii duulnimo ee ay fuliyaan dadka muslimiinta ah ay reer galbeedka ku tilmaamaan weeraro argagaxiso.