Wararka ka imaanaya dalka Austrelia ayaa ku waramaya, in weerar toorrey loo adeegsaday uu ka dhacay dalkaas, kaasoo lagu beegsaday ciidamo katirsan booliiska wadanka iyo dad kale.
War kasoo baxay booliiska magaalada Siidni ee uu weerarku ka dhacay, ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 4 ruux ay ku dhaawacmeen weerarka, kaasoo mid kamid ah uu yahay sarkaal booliis.
Fuliyaha weerarka ayaa adeegsaday toorrey uu soo qarsaday, waxaana warbaahinta wadanka Austrelia sheegayaan in gacanta lagu dhigay.
Illaa iyo hadda lama oga waxa uu salka ku hayo weerarkan, waxaase muuqata in waayadii u dambeysay ay sii kordhayaan weerarada toorreyda loo adeegsanayo ee ka dhacay wadamada reer galbeedka.
Magaalada Siidni ee uu hadda weerarkan ka dhacay ayaa sanadkan 2024-ka, waxay marti gelisay weeraradii ugu badnaa ee toorrey loo adeegsaday, bishii April ayayna ahayd markii weerar ka dhacay magaaladna lagu dilay 6 ruux, halka lagu dhaawacay 12 qof oo kale.