Waxaa maxkamad ku taalla bariga dalka Faransiiska, ay eed usoo jeedisay wiil 12 sano jir ah, kaasoo ay ku eedeysay inuu daawaday aflaam Jihaadi ah, baraha bulshadana ku faafiyay boqolaal filim oo la xiriria howlgallada Jihaadiga ah.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda lasoo taagay wiilkan da’da yar, ayaa sheegay in wiilka 12 sano jirka ah uu faafiyay 1700 oo muuqaal oo JIhaadi ah, kuwaasoo badankood soo bandhigayay camaliyaad Jihaadi ah, wuxuuna muuqaalladan la wadaagay dadka isticmaala baraha bulshada.
Wiilka yar ayaa dhankiisa tilmaamay, in waayadii ugu dambeysay ee noloshiisa uu ihtimaam gaar ah siinayay arimaha Islaamka, saameyntana ay ku dhalatay markii uu isticmaalay baraha bulshada gaar ahaan Telegram iyo guruubyo lagu niqaashayay.
Inkastoo reer galbeedku ay sii xoojiyeen dagaalka ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta, hadana muwaadiniintooda ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxay raxan raxan usoo galaan diinta Islaamka.