Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid, oo ah waaliga wilaayada Islaamiga ee Galgaduud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii dhawaan ku timid nabadoon Cabdi Kariim Muuse Casir oo kamid ahaa nabadoonnada Wilaayaadka Islaamiga ah.
Waaliga ayaa tacsi u diray guud ahaan dadka muslimiinta ah, gaar ahaan ehellada iyo qaraabada nabadoonka ee kala jooga meelo kamid ah caalamka, si gaar ah gobollada Galgaduud iyo magaalada Muqdisho.
Nabadoon Cabdi Kariim Muuse Casir ayaa dhawaan ku geeriyooday magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ku sugnaa waayadii u dambeysay.