HomeAll newsXaaladda Aamni ee ka Jirta Magaalada Baladweyne oo Faraha ka Baxday.

Xaaladda Aamni ee ka Jirta Magaalada Baladweyne oo Faraha ka Baxday.[DHAGEYSO]

Xaaladda Amni ee ka jirta magaalada Baladweyne ayaa kasii dartay, iyadoo ciidamada dowladda fedaraalka ay billaabeen iney kufsi ugeystaan haweenka ku dhaqan magaaladaas.

Iyadoo ay faraha kasii baxday xaaladda amni ee ka jirta magaalada Baladweyne, islamarkaana ay sii xoogeysteen dilalka iyo dhaca ay geysanayaan askarta DF ayaa waxaa lasoo warinayaa in xaalad adag ay wajahayaan dadka halkaasi ku dhaqan.

Ciidamo katirsan DF ayaa waxay magaalada dhac iyo kufsi ugeysteen laba gabdhood oo walaalo ah, kuwaas oo ay sidoo kale qoriga baadkiisa ku gareen xad gudubyo kalana kula kaceen.

Ehellada gabdhaha ay dhibaatada ugeysteen ciidamada DF ayaa ka warbixiyay qaabka ay wax usoo gaareen ubadkooda.

Habeen hore ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay magaalada Baladweyne ku dileen gudoomiye ku xigeenkii maaliyadda ee magaaladaas, kadib markii uu kaga dhaga adeegay mobile ay ka dhici rabeen.

Halkaan ka Dhageyso Xaaladda Amni ee ka Jirta Baladweyne oo Faraha ka Baxday

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular