Xarumo ganacsi oo ay lahaayeen dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ku dhaqan dalka Koonfur Africa ayaa albaabada la isugu dhuftay.
Maalintii todobaad oo xiriir ah ayay arrintaani ka socotaa magaalada Johannesburg oo katirsan dalka Koonfur Africa, iyadoo albaabada la isugu dhuftay xurimihii ganacsi ee ay Soomaalida iyo ajaanibta ku lahaayeen halkaas.
Tani ayaa yimid kadib markii wiil 12 jir Koonfur African ah lagu dilay magaalada, dilkaas oo uu geystay mid kamid ah ajaanibta ku sugan Koonfur Africa.
Tan iyo wixii dilkaasi ka dambeeyay waxaa la boobay xarumo ganacsi oo dhowr ah, kuwa kalena albaabada ayaa la isugu dhuftay, halka qaar kalena ganacsatada lagu qasbay iney ka cararaaan xarumahooda ganacsi.