Isagoo khudbad ka jeedinayay xaflad uu qabtay, islamarkaana uu kusoo bandhigayay waxqabadka dowladdiisa, ayuu madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ka hadlay arrin la xiiriira dhiig-baxa joogtada ah ee ay la kulmayaan askartooda.
Xasan ayaa waxa uu sheegay in 24-saac kasta la dilo qaar kamid ah ciidamada Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo lagu beegsado weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee isugu jira madax jabinta ah, qaraxyada iyo weerarada kale ee tooska ah.