HomeAll newsXildhibaan Sheegay in DF ay Isbaarooyin Xadhaaf ah Udhigatay Dadka Ku Dhaqan...

Xildhibaan Sheegay in DF ay Isbaarooyin Xadhaaf ah Udhigatay Dadka Ku Dhaqan Muqdisho.

Waxaa isa soo taraya xildhibaannada katirsan dowladda fedaraalka ee ka hadlaya dhibaatooyinka ay wajahayaan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Gaaraxo oo kamid ah baarlamaanka dowladda fedaraalka ayaa sheegay, ineysan jirin wax iska badalay mowqifka dowladda fedaraalka ee ku aaddan in lacago baad ah ay dadka ka qaado, iyo canshuuraha aan xadka laheyn ee bulshada lagu soo rogay.

Waxa uu kaloo tilmaamay in afarta jiho ee magaalada Muqdisho ay yaallaan isbaarooyin lagu dhibaateynayo umadda, lacagihii dadka looga qaadanayay dekadda caasimaddana ay wali sidooda ujiraan.

Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe aad uga cabanayay, lacago canshuuro ah oo ay dowladda fedaraalka kusoo rogtay guud ahaan dadka, iyadoo ay gobalka Banaadir ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo mashaariicda isdaba joogga ah ee ay dhaqaalaha ka sameyneyso dowladda fedaraalka.

Halkaan ka Dhageyso Warka ku Saabsan Xildhibaanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular