Qaar kamid ah Xillibaannada Dowladda Federaalka oo maanta ka qeybgalay kulanka Baarlamaanka, ayaa si adag uga horyimid canshuurta cusub ee Merjantiga, ee ay soo kordhisya Dowladda Federaalka.
Xillibaannada ayaa dhaliilay Dowladda Federaalka, waxayna sheegeen iney dhibaato ku heyso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa degan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Shacabka Soomaaliyeed ayay usoo jeediyeen iney iska diidaan canshuurta cusub, ayna tahay baad aan wax sharci ah ku saleysneyn.
Halkan ka daawo Warbixin- Xillibaannada Diiday Canshuurta cusub.