Dowladda Zambabe ayaa diyaarisay qorshe dhaqaale oo ballaaran, kaasoo ay isaga joojineyso isticmaalka iyo ku xirnaanta lacagta doollarka Maraykanka, oo sanadihii tagay dalkaas ka ahayd lacagta rasmiga ah.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Zambabwe, ayaa shir-jaraa’id oo u uku qabtay magaalada Harari ee caasimadda ah, wuxuu sheegay in dhawaan ay ku dhawaaqi doonto xukuumadda in la howlgeliyo lacag cusub oo maxalli ah, oo lagu damcinayo dahabka, si looga madax bananaado isticmaalka lacagta doollarka.
Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda cusub ee Zambabwe ayaa todobaadka dambe si rasmi ah u shacaacin doono tallaabadan ay dowladdu ku dooneyso iney ku howlgeliso lacag cusub, kagana maaranto doollarka Maraykanka.
Lacagta cusub ee Zambabwe ayaa lagu magacaabaa Zek, waana isku deygii lixaad oo ay dowladda ku dooneyso iney ku howlgeliso lacag iyada u madax banaan, oo ay kaga maaranto doollarka.
Mid kamid ah asaaliibta gumeysi ee Maraykanku ku heysto caalamka, waa iyadoo lacagta doollarka ay dunida ka noqotay mida koowaad, Maraykanka ayaana waraaqahan ku farraqay dunida, halka uu isagu bedelkeeda keydsado dahabka iyo macaadinta qaaliga ah.