HomeAll news129 Maxbuus oo Isku Dayay Iney Xabsi ka Baxsadaan oo Lagu Dilay...

129 Maxbuus oo Isku Dayay Iney Xabsi ka Baxsadaan oo Lagu Dilay Congo.

Wararka ka imaanaya Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ayaa ku waramaya, in maxaabiis badan lagu dilay gudaha dalkaas.

Xukuumadda Kinshasa ayaa sheegtay, in ugu yaraan 129 maxaabiis ah oo isku dayay iney ka baxsadaan xabsiga dhexe ee caasimadda dalkaas la dilay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Congo ayaa sheegay, in dab xooggan uu ka kacay dhismaaha xabsiga iyo qeybaha lagu keydiyo raashinka ee xabsigaas.

Isbitaal ku ag yiillay xabsiga ayuu sidoo kale sheegay inuu dabku saameeyay, isagoo intaa ku daray in dhacadaan ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 59 ruux.

Masuul katirsan madaxda xabsiga ayaa waxa uu sheegay, inuusan jirin maxbuus badbaaday, isagoo tilmaamay in la laayay dhammaan maxaabiistii isku dayday iney baxsato.

Xukuumadda Kinshasa ayaa sheegtay iney wado baaritaanno ku aaddan qaabka ay wax udhaceen.

Maxaabiis la hadlay wakaaladaha wararka ee reer-galbeedka ayaa waxa ay sheegeen, in xilligii uu dhacayay iskudaygaan baxsashada ah ay maqlayeen rasaas aad ubadan iyo qeylada maxaabiista bannaanka ubaxsatay.

Dalka Congo ayaa caan ku ah dhacdooyinka nuucaan oo kale ah, waxaana marar badan uu dalkaan marti galiyay weeraro ay dhiig badani ku daateen oo ay fuliyeen maleeshiyaadka hubeysan ee ka dhisan dalkaas.

Halkaan ka Degso Warka Maxaabiista

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular