Afduubka ka dhanka ah dhalinyarada Soomaalida ah ayaa kusoo badanaya magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali-galbeed.
Saraakiil katirsan maleeshiyaadka Liyu Bolis ee ay tababaray dowladda Xabashida Itoobiya, ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay waxa ay sare uqaadeen, afduubka ka dhan ah dhaliyarada ku dhaqan magaalada Jigjiga ee ku hoos jirta gumeysiga Xabashida Itoobiya.
Kolkii hore waxa ay ugu daadan jireen guryaha, balse hadda waxa ay sameysteen maleeshiyaad kale oo bastoolado iyo afxir wata, kuwaas oo qofka meeshuu joogaba ugu tagaya kuna war galinaya inuu soo raaco, hadduu uu diidana dilaya.
Xabsiyo gaar ah oo ay sameysteen ayay geeyaan dhalinyarada, kuwaas oo ay tacdiib iyo jirdil daran halkaasi ugu geystaan.