HomeAll newsAskar Kawada Tirsan Maamulka Galmudug oo ku Dagaallamay Xarardheere.

Askar Kawada Tirsan Maamulka Galmudug oo ku Dagaallamay Xarardheere.[DHAGEYSO]

Dagaal udhexeeya ciidamo kawada tirsan maamulka la baxay Galmudug ayaa shalay ka dhacay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug.

Dagaalka ayaa waxa uu udhexeeyay ciidamo taabacsan maamul cusub oo uu dhawaan degmada usoo magacaabay Qoorqoor oo ah madaxweynaha maamulka la baxay Galmudug iyo kuwa horay ugu sugnaa degmada.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha kala gaaray ciidanka dagaallamay.

Wali waxaa degmada Xarardheere ka taagan xiisad udhexeysa labadaan dhinac ee shalay dagaallamay.

Halkaan ka Degso Faahfaahinta Dagaalka Xarardheere

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular