Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo waxaa shalay ka dhacay, fal naxdin oo uu askari katirsan Dowladda Fedaraalka ugeystay labo wiil oo dhalinyaro ah.
Askarigan ayaa xabad ku dhuftay labada wiil ee dhalinyarada ah waxaana gaaray dhaawacyo culus.
Waxaa la sheegay iney isku martay la xabad, Labada wiil midkood ayeyna xabaddu kaga dhacday dhuunta, halka midka kalena ay kaga dhacday caloosha.