HomeAll newsAskari Ameerikaan ah oo Lagu Heysto Dalka Venzuela.

Askari Ameerikaan ah oo Lagu Heysto Dalka Venzuela.

War kasoo baxay wasaaradda dagaalka ee Maraykanka, ayaa lagu sheegay in dalka Venzeula lagu heysto askari katirsan ciidanka badda ee Maraykanka.

Bentagonka ayaa sheegay in askariga lagu heysto dalka Venuzuela uu sifo sharci darro ah ku galay dalkaas, waxaana xabiga la dhigay kii bishii aynu soo dhaafnay ee Agosto.

Saraakiil katirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay iney qaadeen tallaabooyin dhowr ah, iyagoo kaashanaya wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka, si loo soo badbaadiyo askariga la heysto.

Sida ay sheegayaan masuuliyiinta Ameerikaanka ah, majirin howlo rasmi ah oo askarigan Ameerikaanka ah looga diray dalka Venuzuela, saraakiishiisa ciidamadana kama war heynin safarkiisa.

Dhacdadan ayaa shabahda mid dhacday sanadkii tagay, xilligaas oo askari Ameerikaan uu booqasho lama filaan ah ku tagay dalka Ruushka, isagoo tilmaamaya inuu booqanayay haweeney dalkaas ku nool, waxaana dowladda Ruushka ay ku xukuntay xabsi dhan  saddex sano iyo sagaal bilood.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular