Askari katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa dhawaan 2 wiil oo walaalo ah waxa uu ku dhaawacay degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo.
Askarigaan ayaa rasaas oodda uga qaaday raggaan dhalinyarada ah ee isla dhashay, waxaana soo gaaray dhaawacyo kala duwan.
Midkood ayay xaaladdiisu liidataa, waxaana ku dhacay ugu yaraan 5 xabadood oo qaarkood ay kaga dhaceen kilyaha.
Aabaha dhalay wiilashada la dhaawacay ayaa ka warbixiyay xaaladda uu iminka ku sugan yahay wiilka uu dhaawaciisu daran yahay. Sidoo kale mid kamid ah ehellada wiilashada la rasaaseeyay ayaa isana saxaafadda la hadlay, isagoo sheegay in illaa iyo hadda aysan wax cadaalad ah helin.