Askari katirsan dowladda fedaraalka oo ku dhaawacmay weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka cabanaya dayaacaad iyo xadugubyo kale oo loo geystay.
Mustaf Maxamed C/raxmaan, waa askari katirsan dowladda fedaraalka gaar ahaan qeybta 60-aad ee ciidanka dhulka oo dhaawac soo gaaray lagu dayacay.
Waxa uu ku dhaawacmay qarax ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ka dhacay inta udhexeysa degmooyinka Diinsoor iyo Qansaxdheere oo katirsan gobalka Baay, kaas oo lala beegsaday askar isugu jirta Itoobiyaan iyo Dowladda Fedaraalka.
Labada indhood ayuu beelay askarigaan, iyadoo ay sidoo kale soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Taliye sare oo katirsan ciidanka Xabashida Itoobiya ayuu sheegay inuu ku dhintay qaraxaasi uu isaga ku dhaawacmay, isagoo sidoo kale ka warbixiyay dhaawacyo kale oo kasoo gaaray dagaallo ka dhacay qaar kamid ah goballada dalka.
Waxa uu tilmaamay in la dayacay, intaasna aan loogu simine handadaad iyo jirdil loogu daray, cabashiida oo taalla xafiisyo kala duwanna aan waxba laga qaban.
Dhaawacyo kala duwan ayaa ka muuqda wajigiisa iyo qeybo kale oo jirkiisa kamid ah sida laga dheehan karo muuqaalka laga soo duubay, waxa uuna ku biirayaa saraakiil iyo askar badan oo katirsan Dowladda Fedaraalka oo dhaawacyo soo gaaray lagu dayacay, kuwaas oo dadka qaarkii ugu yeeraan maliibanayaasha lagu liibaanay.
Halkaan ka Degso Warka Askariga la Dayacay