Waxbarashada iyo tacliinta waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah aasaasiyaadka noolasha, iyo halka laga qiimiyo umad waliba mustaqbalkeeda iyo horumarada ay ku talaabsan karto amawa dibdhacyada ay wajahi doonto.
Maa daama ay waxbarashadu lanteed wax mustaqbal ifahaya jirin waxaa qasab ah in ay noqotaa mid mutawafir ah oo qofwaliba oo xambarasan hami taclineed uu haleeli karo islamarakana ka faaidaysan karao iyadoona marwaliba muhimad gooni ah la siinaayo ardayga iyo muxtawaha cilimiyeed lagana indha laabaya dakhliga ardaygasi laga faaidi karo.
Balse middan cagsigeeda waxaa ay ka jirtaa dawladda badan oo dhaca caalamka islamarkana aan la goon garin kharshaadka madaaristooda lagana bixi Karin takaalifta ardayga ee waxbarasho kuwaasi oo la arka marka magacooda la maqlo in ay qofwaliba kusoo degdegto dawladda horumaray waxbarashadana heer fiican kagaaray dadka ku nool ay nasiib badanyihiin.
Warbixin arintan la xiriirto waxaa daabacday wakaladda wararka ee Bloomberg taasi oo taqriir dheer oo tooshka ku qabanaya takaalifta waxbarshada ee magalada dubai ee dalka imaartaka ku tilmaamtay in ay tahay mid aysan awoodin badi dadka ku nool magalada dubai sababa ku adan kharshadka billaha ah iyo kan sanadlaha ahba oo aad qali u ah. Imaartka ayana ah meehsa labaad ee ugu kharashaadka badan waxbarashada marka laga yimaado hong-gong.
Bloomberg ayaa taqriirkeeda ku daahfurtay dadka ku dhaqan wadmada khaliijka ee hodanka ah waxaa ay u jihaysanayaan in ilmahooda ay geeyaaan madarista gaarga loo leeyahay sababa ku aadan fursad la`aan ka jirta iskuulada dawladda ee laga maal galiyo dhanka xukuumadda. Hasa yeeshee madaarista gaarga loo leeyahay aya iguna ah kuwa aad uu badanyahay kharashdkooda takalifta halka arday ayana sanadki gaarayso tobnaan kun oo dolarka maraykanka ah.
Warbixinta wakaladda ayaa sidoo kale soo bandhigaysa tusaale ku aadan akaadeemiyadda jaymis ee caalamiga ah qaybteeda ka hawlgasha magaladda dubai iyadoona ay takalifteedu tahay mid aad ubadan waxana suura gal ah in ardayga dhinganaya dugsiga sare sanadkii lagu yeesho lacag kur u dhaafayso 33-kun oo dollar.
Qiimahan ayaa ah midka ogu sareeyo ee laga qaado aradayga wax kabaranaya madaarista ay maamusha shirkdda jaymis oo ah mid kamid ah shirkadaha ogu wayn ee maamula iskuuladda gaarka loo leeyahay ee aduunka taasi oo uu asaasay maalqabaynka hindiga ah ee sunny varkey.
Arimo dhawr ah iyo caawamil kala duwan ayaa ka qaybqadanaya in uu bato kharashka waxbarashada ee shirkda jaymis sida noocai yo muqararka waxbarasho iyo marxalada uu aradyga dhiganayo sida dugsi hoose dhexe iyo sare takaalifta wax barsho ee iskulada ay maamusha jaymis ayana ka bilawada 4-kun oo doolar sanadkii.
Wakalada Bloomberg ee wararka ayaa tilmaamayso sababata ka dambayso in kharashaadka waxbarashada sidan dhan qali oga noqdaan magalada dubai waxaa ayna leedahay dubaai waxaa ay noqotay meel ay iskugu ymaadaan dadka maalqabeenada ah ee aduunka kuwaasi oo awoodi kara in ay bixiyaan lacagaha lagu sheegta ilmahooda.