Boqallaal Suudaaniyiin ah ayaa markale isaga barakacay magaalada Al-Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay ay si xiriir ah kaga dhacayeen duqeymo culus.
Dadka ugu badan ayaa waxa ay ka qaxeen madiqadda Baxri ee ku taalla magaalada caasimadda ah, waxaana xafiiska Qaramada Midoobey ee Suudaan uu soo jeediyay in ciidamo la geeyo dalkaas.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya, in mandiqadda Baxri ee woqooyiga Khartuum oo ay ku taallo xarun ciidan oo ay leeyihiin ciidanka Suudaan ay ka carareen boqallaal maxaabiis ah, kadib markii uu ay xoogeysteen duqeymaha ay is weydaarsanayaan ciidanka Suudaan iyo Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah, kuwaas oo iyagu usacyinaya iney la wareegaan xarunta ciidanka millatariga.
Waxa ay intaasi ku dareen in maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah ay weeraro kusoo qaadeen guryaha ay dadka rayidka ah dagan yihiin ee ku taalla koonfurta Xaddaab, iyagoo tiro dad ah laayay kuwa kalena afduub ahaan ukaxeystay.