HomeAll newsBoqallaal Diyaarado ah oo Duqeeyay Magaalooyinka Ruushka oo ay ku Jirto Moscow.

Boqallaal Diyaarado ah oo Duqeeyay Magaalooyinka Ruushka oo ay ku Jirto Moscow.

Aroornimadii hore ee maanta oo Talaado ah, tobanana diyaarado drones ah oo nooca is qarxiya ah ayaa lagu weeraray goobo muhiim ah iyo magaalooyin waaweyn oo katirsan dalka Ruushka, oo ay kujirto magaalada Moskow ee caasimadda Ruushka.

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay iney hawada ku qarxisay dhamaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka soo qaaday, laakiin wararka qaar waxay tilmaayaan in diyaaradaha qaarkood ay qarxeen, islamarkaana khasaare dhaliyeen.

Gudoomiyaha Moskow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhismayaal ku yaala magaalada Moskow deegaanna hoosyimaada ay waxyeello soo gaartay, islamarkaana dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen.

Inta la xaqiijiyay haweeney Ruushiyaan ah ayaa dhimtay, halka ay dhawaacmeen ugu yaraan 3 ruux oo kale, kuwaasoo dhaawacyadooda kala duwanyihiin.

Marka laga soot ago haweeneyda dhimatay, waxaa warbaahinta qaar baahiyeen inuu jiro wiil 9 sano jir ah oo kamid ah dadka ku dhintay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu weeararay Moskow.

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ciidankeeda difaaca hawada ay burburiyeen ugu yaraan 73 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, kuwaasoo doonayay iney weeraro ka fuliyaan Moskow iyo magaalooyin kale oo ku yaala Ruushka.

Waa weerarkii ugu ballaarnaa oo diyaarado drones ah loo adeegsado oo lagu soo qaado Moskow magaala madaxda Ruushka, dowladda Ukraine ayaana waayadii u dambeysay qaadeysay weeraro ballaaran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular