Shacabka ku nool deegaannada uu ka arrimiyo maamulka La baxay Puntland gaar ahaan dadka ku nool Garoowe, ayaa cabasho horleh ka muujinaya dad Itoobiyaan ah oo halkaasi kusii qulqulaya.
Dadka magaalada ayaa sheegay dhibaatooyin badan oo ay Itoobiyaanka halkaasi gaaray ku hayaan, waxaana kamid ah waxyaabaha ay sheegeen, iney Garoowe kawadaan fisqi farabadan, cudurro ay qabaan, cuntada aan laga cunikarin, dadka jilicsanna ay jirdilayaan gaar ahaan dumar.
Waxay kaloo dadku intaasi ku dareen, iney la wareegayaan shaqooyinkii dadku qabanayeen, sida Xamaaliga Caseeyanimada iyo shaqooyin kale, waxaana intaasi sii dheer, iney tuugsi dadkii ku wareeriyeen.
Itoobiyaankan ayey dadka magaaladu sheegeen, iney raxan raxan iyo kooxo kooxo usocdaan gudaha Garoowe. Reer Garoowe waxay maamulka la baxay Puntland mar kale ugu baaqeen inuu Itoobiyaankan kasaaro, haddii kale iyagu iska saaridoonaan.