Waxaa duleedka magaalada Wardheer ee gobolka Doollo oo katirsan dhulka Soomaali Galbeed kasocda, tacadiyo ka dhan ah mid kamid ah beelaha dega halkaasi.
Ciidamo uu soo diray Mustafe Cagjar oo sida la sheegay isaga kala yimid illaa 4 gobol ayaa lagu fasaxay beeshan, kuwaasoo kula kacaya xabgudubyo nooc waliba ah.
Waxay qafaasheen raggii beesha oo ay ku jireen waxgaradkoodi, waxayna geeyeen xabsiyo qarsoodi ah oo ku kala yaalla magaalooyin kala duwan.
Dadka la xirxiray ayaa tiro ahaan lagu sheegay illaa 700 oo ruux.
Waxaa intaas usii dheer beeshan, in lagula kacay barackin, burburin hanti, jir dil iyo tacadiyo kale, iyadoo ay usii dheertahay aqallada oo lagu gubayo.