HomeAll newsCiidanka Dowladda fedaraalka oo 2 Ruux ku Dilay Muqdisho & Baladweyne.

Ciidanka Dowladda fedaraalka oo 2 Ruux ku Dilay Muqdisho & Baladweyne.[DHAGEYSO]

Askar katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa habeen hore waxa ay magaalada Muqdisho ku dileen wiil dhalinyaro ah.

Dilka ayaa wax uu xalay ka dhacay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho, waxaana wiilka la dilay lagu magacaabaa Ibraahim Mayow Mire.

Laba Askari oo Xashiish isku heystay ayaa toogtay wiilkaan dhalinyarad ah, qaar kamid ah ehelkiisa ayaana ka warbixiiyay sida ay wax udhaceen.

Sidoo kale waxaa shalay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan lagu dilay wiil kamid ahaa dhalinyarada magaalada.

Dilka wiilkaan ayaa ka dhacay bar-koontarool oo ay joogaan ciidanka Dowladda Fedaraalka, kuna taalla xaafadda Hawl-wadaag ee katirsan magaaladaasi.

Wiilka la dilay waxaa lagu magacaabijiray Cabdi wali Shiine, waxaana kahor inta aysan dilin ciidanka Dowladda fedaraalka la sheegay inuu muran dhexmaray, intaasi kadibna mid kamid ah askarta uu rasaas ku furay sidaasina lagu dilay.

Halkaan ka Degso Warka Dilalka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular