Ciidanka PSF ee maamulka Puntaland ayaaa digniin udiray shacabka ku dhaqan naxaawiga garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Ciidankaan ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku direen digniin la xiriirta isticmaalka garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo ah xarunta gobalka Bari.
Garoonka ayay sheegeen in loo badalay xero ciidan, askartooda oo dhaawac ahaana loo diiday in halkaasi laga dhoofiyo.
Waxa ay shacabka ku wargaliyeen iney isaga fogaaadaan garoonka ayna qaadayaan tallaabo millatari, iyadoo xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaalada, taas oo udhexeeya ciidankaan iyo kuwa boliska ee maamulka Puntland.