Dabkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay Kaniisad ku taalla koonfurta mandiqadda Al-Jiizah ee ku taalla gudaha dalka Masar.
Inkastoo aan illaa iyo hadda la ogeen khasaaraha nafeed ee ka dhashay dabka qabsaday dhismaha Kaniisaddaan, ayaa waxaa haddana lasoo warinayaa inuu dhaliyay khasaare hantiyeed.
Waxa uu dabku basbeelay dhowr dabaq oo ku yaalla Kaniisadda, iyadoo ay sidoo kale gubteen xafiisyada Kaniisadda.
Qolyaha difaaca madaniga ah ayaa waxa ay sheegeen, in dabku uu khasaare neef qabtinta tiro dad ah, kuwaas oo la dhigay xarimaha caafimaadka.