HomeAll newsDad Rayid ah oo ku Dhintay Dagaallo ka Dhacay Dalka Suudaan.

Dad Rayid ah oo ku Dhintay Dagaallo ka Dhacay Dalka Suudaan.

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo xooggan oo dhex maray ciidamada xukuumadda Suudaan iyo maleeshiyaadka Gurmadka degdegga ah, kuwaas oo ka dhacay gudaha Suudaan.

Ugu yaraan 20 ruux oo rayid ah ayaa ku dhimatay dagaalladaan oo ka dhacay magaalada Sanaar ee xarunta gobalka Sanaar oo dhaca koonfur bari ee dalka, iyo maagalada Zaalanji ee xarunta wilaayada Daarfuurta galbeed.

Sidoo kale maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah ayaa waxay duqeymo la beegsadeen kaam ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Al-Faashar ee xarunta gobalka Daar-fuur.

Illaa 4 gantaal ayaa ku dhacay kaamka, illaa iyo haddana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaas.

Dadka barakacayaasha ah ee ku sugan kaamamka ku yaalla magaalada ayaa wajahaya xaalado adag oo xagga nolosha ah, taas oo ay usii dheer tahay dagaallada iyo duqeymaha indho la’aanta ah ee iyaga beegsanaya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular