Odayaasha degaanno dhaca duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay, in wadooyinka soo gala degaannadaasi la jaray.
Iyagoo saxaafadda la hadlayay ayay sheegeen, in mid kamid ah sharikadaha bixiya Korontada ay darbi weyn ku jaratay wadooyinkii degaanka Tawakal.
Waxa ay tilmaameen in horay loo jaray wadooyin badan oo degaanka ah, iyagoo ku hanjabay in haddii ay arrintaani sii socoto ay ka dagaallami doonaan.