HomeAll newsMaxaannu Ka Xusuusannaa Dagaalladii Dhexmaray Masar iyo Itoobiya?.

Maxaannu Ka Xusuusannaa Dagaalladii Dhexmaray Masar iyo Itoobiya?. [Akhriso+Dhagayso]

Xiisadda ka dhalatay biyo xireenka An-Nahda ayaa weli ka dhextaagan dalalka Masar iyo Itoobiya, iyadoo ay fashilmeen wadahadallii tobanka sano socday  ee u dhexeeyay labada dhinac, laguna doonayay in xal meel dhexaad ah looga gaaro mowduucan.

Muranka la xiriira biyaha webiga An-Niil maahan mid xilligan dhow soo billowday, inta la xusuusto taariikhdana wuxuu ahaa kiiskan mid kamid ah ajandayaasha mashquuliya xukaamta soo martay Masar, waxayna keentay in dadka maamula halka uu webiga kasoo burqado ah oo Itoobiya ay Masar kula dhaqanto diblumaasiyad, milliteri iyo labadaas arin oo wada jira.

Dhanka kale madaxdii soo maray Itoobiya, waxay iyaguna dareensanaayeen had iyo goor halka ay gaarsiisntahay hantida ay gacanta ku hayaan, oo ah An-Niil, iyagoo isku dayay in malafkan u adeegsadaan mid ay ku farageliyaan siyaasadda gudaha ee Masar.

Taariikhdu waxay diiwaan gelisay in qarnigii 14aad ee milaadiyada boqorkii Itoobiya maamulayay oo lagu magacaabo Jabra Masqal uu farriin goodis ah u diray suldaankii Masar ee xilligaas Muxamad bin Qalaawuun, wuxuuna ku yiri: “ Niilka Masar ee muhiimadda ballaaran u leh reer Masar, waxaad ogaataa inuu kasoo burqado wadankeyga, haddii aan u baahdana waan xiri karaa”.

Warbixintan waxaan kusoo gudbin doonnaa mid kamid ah arimaha ugu xasaasiyadda badan taariikhda, marka laga hadlayo xiriirka dalalka Itoobiya iyo Masar, kaasoo ku suntanaa siraac salka ku haya webiga An-Niil, tusaalaha ugu weyn ee siraacanna waxaa loo soo qaadan dagaalladii Jondat iyo Jooraa ee dhacay kudhawaad 150 sano kahor.

Muxammad Cali Baashaa oo ahaa waaligii Cuthmaaniyiinta ee Masar, markii dambena reer galbeedka dhankooda u weecday, ayaa dareemay ahmiyadda Jiyoo siyaasi ee Suudaan iyo guud ahaan bariga Afrika, si gaar ah halka uu kasoo burqado webiga An-Niil ee Itoobiya iyo Uganda, markii ay sii xoogeysanayaan damaca gumeystaha reer galbeedka ee qaaradda Afrika.

Wuxuu ku guuleystay Muxamad Cali Baashaa inuu ballaariyo xuduuda Masar, isagoo gaarsiiyay Sawaakin iyo Musawac, taasoo ka dhigan inuu ku jilba fidsaday dhul ballaaran oo kamid ah Suudaan iyo Ereteria, sidaasina Masar ku noqotay mid maamusha galbeedka badda Cas, laga soo billaabo koonfurta oo ah  xuduuda Baabul Mandab illaa wuqooyiga ah oo kanaalka Suweys.

Al-Khadawi Ismaaciil oo kamid ahaa wiilashii Muxamad Cali Baashaa ee xukunka Masar kaga dambeeyay, ayaa go’aansaday inuu gudaha usii galo deegaannada uu kasoo burqado webiga An-Niil ee Itoobiya, ama Koonfurta Suudaan iyo Uganda, oo taariikh ahaan loogu yeero mandiqadda uu maro dhul baraha.

Arinta xusida mudan waxay tahay, in Al-Khadawi Ismaacil aanu howshan u wakiilan saraakiil Masaari ama Turki ah, sidaba uu aabihii yeeli jiray, laakiin wuxuu howshan u diray hogaamiyaal ciidan oo dhulmareenno ah oo kasoo jeeda Talyaaniga, Ingiriiska, Maraykanka iyo si guud reer Yurub, xilli dowladda Ingiriisku ay markaas u hanqal taageysay iney la wareegto deegaannada ay kamid yihiin Suudaan iyo Masar.

Wuxuu Al-Khadawi howsha lawareegitaanka deegaannada uu kasoo burqado webiga An-Niil u xilsaaray sarkaal Ingiriis ah oo lagu magacaabo Samwiil Biikar, kaasoo Jamciyadda Juqraafiga ee boqortooyada Ingiriiska wakiil uga ahaa, ogaanshaha iyo baaritaanka deegaannada uu kasoo burqado webiga An-Niil.

Wuxuu sarkaaka Ingiriiska ah ku guuleystay howshii loo diray, isagoo labo kaarle ah, balse daacad u ah dalkiisa, wuxuuna soo ogaaday mid kamid ah haraha uu kasoo burqado webiga An-Niil oo ah buxeyrada Vectoria, xogtaas oo uu la wadaagay boqoraddii xilligaas ee Ingiriiska, buxreyxadii labaad ee soo iktishaafeyna oo dhacda xuduuda Uganda iyo Kongana wuxuu ugu magacdaray Albert oo ahaa ninkii qabay boqoradda Ingiriiska.

1869-kii ayaa isagoo ka qeybgalaya furitaankii kanaalka As-Suweys, wuxuu sarkaalka Ingiriiska ah ka dhaadhiciyay xaakimkii Masar ee Al-Khadawi Ismaaciil, inuu maamulkiisa kusoo daro deegaannada cusub ee soo ogaaday, ahna goobaha uu kasoo burqado webiga An-Niil.

Laakiin ujeedadiisu ma ahayn inuu ballaariyo boqortooyada Masar, hadafka rasmiga ah ee uu lahaana wuxuu ahaa in ciidanka Masar ay gogol xaar u noqdaan damaca Ingiriiska ee la wareegitaanka dhulkaas.

Durbadiiba hogaamiyaha Masar wuxuu diyaariyay ciidamo xoogan, oo ay horkacayaan saraakiisha Ingiriiska, sanadkii 1876-diina ciidamada Masaaridu waxay ku guuleysteen iney badi la wareegaan deegaannadii horey loo cayimay, boqorkii Uganda ee waqtigaasna wuxuu si cad u sheegay inuu taabacsanyahay Masar.

Ciidamada Masar ayaa markan go’aansaday iney isku ballaariyaan mandiqadda Geeska Afrika, si gaar ah Eretria, Soomaaliya iyo Jabuuti, madaxtooyadii Cuthmaaniyiintana waxay ka dhaadhiciyeen in maamulka xeebaha Geeska Afrika la hoos geeyo Masar, halkii ay si toos ah u hoostagi jireen dowladda Cuthmaaniyiinta.

Al-Khadawi Ismaaciil ayaa markan istusay iney muhiim tahay inuu isku ballaariyo gudaha Itoobiya, si uu ula wareego dhamaan deegaannada muhiimka ah ee dacalka ku haya Badda Cas ama kuwa uu kasoo burqado webiga An-Niil.

Ciidanka Masar ayaa gudaha u galay dalka Itoobiya, magaalooyin badan ayayna si fudud ula wareegeen oo ay kamid tahay Harar oo ay xilligaasi hoos imaaneysay maamulka dowladda Xabashida Itoobiya.

Laakiin xaakimkii Ingiriiska ee Suudaan oo xilligaas iska dhigaya inuu taabacsanyahay Masar, ayaa waraaq hoose u diray Ingiriiska, taasoo dalbaneysa in Masar cadaadis lagu saaro inaanu sii wadin howlgalka isballaarinta ee uu Itoobiyo kula wareegayo, Al-Khadawi Ismaaciilna wuu u hogaansamay amarkaas.

Ciidamadii Itoobiyaanka ee xilligaas uu hogaaminayay boqor Yooxannihii afaraad, ayaa weeraro joogta ah ku qaadi jiray magaalooyinka ay Masaaridu maamusho ee Ereteria iyo Soomaaliya, tanina waxay markale dhalisay damaca Masar ee ah iney isku fidiso gudaha Itoobiya.

Ciidamo Masaari ah oo uu hogaaminayo sarkaal calooshiis u shaqeyste ah oo kasoo jeeda Denmark ayaa ka dhaqaaqay magaalada Musawac ee Ereteria, iyagoo gudaha u galay dalka Itoobiya, laakiin waxaa ka horyimid caqabado adag oo ay kamid tahay juqraafiyadda Itoobiya ee buuraleyda ah, iyo dadka deegaanka oo daacad u ahaa boqorkii xilligaas Itoobiya maamulayay.

Ciidankii Masar ayaa saldhigtay deegaan lagu magacaabo Jondat oo dhacda xadka Ereteria iyo Itoobiya ee xilligan, boqorkii Itoobiya ee Yooxannaas ayaa isaguna ciidankiisa waxay kamiin ka galeen meel u dhow waadiga ciririiga ahaa ee ay degeen ciidanka Masar.

Ciidanka Itoobiya oo mandiqadda aad u garanayay ayaa ku guuleystay iney go’doomiyaan ciidankii Masaarida, kadibna waxay ku billaabeen dagaal toos ah iyadoo waqtigu habeen yahay, tanina waxay keentay in badi ciidankii Masar ee waadiga deganaa la xasuuqo, halka saraakiishii wadateyna noqdeen wax dhinta, wax gacanta lagu dhigo iyo kuwa tiroyar oo baxsada.

Dagaalkan oo dhacay November 1875-tii ayaa gilgilay madaxtooyadii Masar ee uu fadhiyay Al-Khadawi Ismaaciil, durbana wuxuu go’aansaday inuu diyaariyo xamlo labaad oo uu kuqaadayo dalka Itoobiya, si uu ula wareego deegaannada uu kasoo burqado webiga An-Niil.

Ciidamo Masaari ah oo ay hogaaminayaan saraakiil Masaari iyo Ameerikaan calooshood u shaqeystayaal ah ayaa kasoo dhaqaaqay Masar, ciidan tiradiisa lagu qiyaasay 20 kun oo askari ayaana gudaha usoo galaya Itoobiya, iyagoo soo gaaray mandiqad lagu magacaabo Joora oo dhacda koonfurta Erteria, waqti xaadirkanna aan aad uga fogeyn xuduuda Itoobiya.

Bishii Marso 1876-dii, boqorkii Itoobiya Yoxannaas oo meel dhow kala socday dhaq-dhaqaaqyada ciidanka Masaarida, ayaa isagoo hogaaminaya 100 kun oo askari wuxuu markeliya ku habsaday ciidankii Masar, saacado kooban kadibna wuxuu dagaalku kusoo dhamaaday guusha Itoobiyaanka iyo jabka ciidankii Masaarida.

Boqollaal askari oo ay saraakiil kamid yihiin ayaa maxaabiis ahaan gacanta looga dhigay Masar, qaar kamid ah saraakiishan ayaana markii dambe garwadeen ka noqday heshiis dhexmara Masar iyo Itoobiya, kaasoo kusoo dhamaaday in Masar ay gebi ahaanba ka baxdo dhulka Xabashida, loona sii daayo maxaabiista gacanta loogaa heysto.

Sanadkii 1885-tii ayay ciidankii Masar ku qasbanaadeen iney gebi ahaanba isaga baxaan mandiqadda bariga Afrika, iyadoo kutimid cadaadiska reer galbeedka gaar ahaan Inigiriiska.

Halkan ka dhagayso warbixinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular