Kooxda RSF ee ka dagaallama dalka Suudaan, ayaa barta ay ku leeyihiin X waxay soo dhigeen, iney ka hortageen weeraro uga yimid milliteriga Suudaan, kaasoo ka dhacay gobolka Sanaar ee koonfur bari Suudaan.
Malleeshiyaadka RSF ayaa sheegay iney khasaare lixaad leh gaarsiiyeen ciidanka Suudaan, kuna qasbeen iney dib uga gurtaan goobihii lagu dagaallamay.
Gobolka Sanaar ayaa intiisa badan waxaa gacanta ku haya kooxda RSF oo ah malleeshiyaad manaxayaal ah, oo dhibaatooyin ba’an u geystay muslimiinta Suudaan.
April 2023-ka, ayuu billowday dagaalka Suudaan ku dhexmaraya dhinacyada isdiidan ee ku loolamaya talada, waxaana dagaalkan socda sanad kabadan uu dhaliyay dhimashada 18 kun oo ruux, iyo barakaca kudhawaad 10 malyan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Reer Suudaan ayaa wajahaya xaalad adag oo xaga nolosha ah, waxaana dalku uu qarka u saaranyahay iney macluul ka dillaacado, maadaama ay adagtahay in cuntada iyo biyaha nadiifka ah meel weliba laga helo, dhinacyada dagaallamaya oo helayo taageero dibadda ah, ayaana weli u muuqan kuwa ka daallay dagaalka.