Waxaa xeebta magaalada Berbera ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland laga baadi goobayaa laba wiil oo kalluumeysato ah.
Labada wiil oo la’yahay muddo 2 maalmood ah ayaa waxaa dad ugu war dambeysay iyagoo kalluumeysi usoo ambabaxay.
Waxaa goor dambe la helay doontii iyo qalabkii kalluumeysiga ee ay wateen, halka raq iyo ruux toona la la’yahay labadaan nin ee kalluumeysatada ah.