Inta la xaqiijiyay 2 wiil oo dhalinyaro Soomaali ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu kala dilay dalka Koonfur Afrika.
Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa magaalooyinka Pretoria Iyo Cape Town oo ka mid saddexda caasimadood ee uu dalkaasi leeyahay waxa ay ku dileen 2 wiil oo dhalinyaro ah.
C/fataax Caana-nuug ayaa lagu magacaabaa mid kamid ah labadaan dhalinyaro ee lagu dilay, waxaana xalay uu dilkiisa ka dhacay xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee magalada Pretoria ee lagu magacaabo Pretoria West.
Wiilka labaad ee la dilay ayaa isana lagu magacaabaa C/raxmaan Nuur, waxa burcaddu ay ku dhex dishay goobtiisa ganacsi oo ku taalla tuulo hoostagta magaalada Cape Town ee waddanka Koonfur Africa.
Dalka Koonfur Africa waxaa joogta ka ah dilalka ay burcadda dalkaasi udhalatay ugeystaan ganacsatada iyo dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool.
Mudooyinkii lasoo dhaafay waxa dalkaan kusoo badanayay dilalka iyo dhaca loo geysanayo Soomaalida ku nool gudaha dalkaas.