Magaalada Cammaan ee caasimadda wadanka Urdun, waxaa maalintii shalay ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, kaasoo lagu dalbaayay in dalka lagu soo celiyo meydka fuliyihii weerar keligii duulnimo oo askar Yahuud ah lagu dilay.
Dadka dibadbaxyaasha ah, ayaa dalbaday in lasoo celiyo meydka Maahir Al-Jaazi, oo marinka Al-Karaama ee isku xira Urdun iyo dhulka gumeysiga kujira ee Filastiin ka fuliyay weerar uu ku dilay 3 askari oo Yahuud ah.
Reer Urdun ayaa sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin howlgalka halyeynimo ee uu fuliyay Maahir Al-Jaazi, iyagoo ku tilmaamay halyeey mujaahid naftii hure ah inuu ahaa, tallaabadii loo baahnaana uu qaaday.
Waxay sidoo kale dibadbaxyaashu dalbanayeen in lasoo celiyo labo dhalinyaro Urduniyiin ah, oo kaxenyay gawaarida xamuulka ah, kuwaasoo weerarka Maahir uu fuliyay kadib, ay xabsiga u taxaabeen ciidamada ammaanka maamulka Yahuudda.
Dowladda Urdun ayaa ku dejineysa carada sii xoogeysaneysa ee shacabka, iney ku howlantahay sidii meydka Maahir Al-Jaazi loogu soo celin lahaa dalka, si ay ehelkiisu u aasaan, laakiin sida muuqata maamulka Yahuudda ayaa taasi ka biyo diidan.
Maahir Al-Jaazi, oo kasoo jeeda qabiilka Al-Xuweydhaat, ayaa ahaa keligii duule muslim ah, oo bastoolad uu qarsaday ku dilay 3 askari oo Yahuud ah, oo kamid ahaa ilaalada marinka Al-Karaama ee isku xira Filastiin iyo Urdun.