Wasaaradda xaaladda deg-dega ah ee dowladda Ruushka, ayaa ku dhawaaqday in la la’yahay diyaarad nooa hellicopterka ah, taasoo ay saarnaayeen ugu yaraan 21 ruux, oo 19 kamid ah rakaab ahaayeen, halka saddexda kalena ay ahaayeen duuliyayaasha diyaaradda.
Diyaaradda ayaa ka kacday saldhig ku yaala meel u dhow deegaan lagu magacaabo Barkaan, waxaana ay kusii jeeday mandiqadda loo dalxiis tago oo lagu magacaabo jaziiradda Kam-tashatka oo dhacda bariga fog ee dalka Ruushka.
Waxaa socda isku dayo lagu doonayo in loogu gurmado dadka saarnaa diyaaradda, kuwaasoo illaa iyo hadda aan war laga heynin, jawiga oo xilli roobaad ah iyo daruuro adag oo jira, ayaana culees ka dhigaya in si fudud loo helo dadkan la la’yahay.
Gudoomiyaha jaziiradda Kamtashatka oo barta Telegramka soo dhigay muuqaal kooban, wuxuu ku sheegay iney dhowr duulimaad sameeyeen, laakiin illaa iyo hadda wax natiijo ah aaney heynin.