HomeAll newsDiyaaradaha Yahuudda oo Duqeymo ka Fuliyay Dalka Suuriya.

Diyaaradaha Yahuudda oo Duqeymo ka Fuliyay Dalka Suuriya.

Duqeyntan oo dhacday subaxnimadii hore ee Jimcihii shalaya, ayey maamulka Yahuuddu la beegsadeen saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka magaaalada Dimishiq ee dalka Suuriya.

Maamulka Nuseyriyada ayaa qirtay in duqeyntan looga dilay illaa 5 askari mid kalena looga dhaawacay, sida lagu sheegay war lagu daabacay wakaallada wararka ee Saana oo ku hadasha afka maamulka Nuseriga.

Saldhiggan ay Yahuudd duqeynta la beegsadeen ayaa ku yaalla, meel baadiye ah oo u dhaw xad beenaadk ay wadaag wadamada Suuriya iyo Lubnaan, waxayna wararku sheegayaan in duqeynta lala beegsaday xeradan ciidan ee maamulka Nuseriga laga soo tuuray, buuraha Al-Jowlaan ee kamid ah dhulalka ay maamulka Yahuuddu xoogga ku heystaan, asal ahaanna laga jaray wadanka Suuriya.

Maamulka Yahuudda ayaa horay sidan oo kale duqeymo uga fuliyay wadanka Suuriya, kuwaasoo uu la beegsaday askarta maamulka Nuseyriyada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular