n sheIyadoo dowladda Itoobiya ay marar badan ku celisay iney qasab tahay iney qaadato badda Soomaaliya, heshiis xaaraan ah oo arinkaas la xiriirana la gashey maamulka labaxay Soomaaliland, ayay illaa iyo hadda jirin tallaabo rasmi ah oo ka dhan ah damacaas oo ay qaaday Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxmuud.
Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa tilmaamaya in wasiilada keliya ee ay door biday Dowladda Federaalka, ay noqotay in calaacal ay ku wajahdo damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, iyadoo horaanba la ogaa in Xasan Sheekh aanu Itoobiya u diidaneyn bad, hase ahaatee uu Abiy Axmed ka codsaday inuu dhankiisa soo maro.