Bartimihii bishan September ayaa maxkamadda adduunka ee ICG, waxay Qaramada Midoobay horkeentay qaraar ka hadlaya cawaaqibta siyaasadeed ee ka dhalan karta duullaanka Yahuudda ee ka dhanka ah reer Filastiin, si xubnaha qeybta ka ah golaha Qaramada Midoobay ay arintaasi ugu codeeyaan.
Dowladda Federaalka ayaa kamid noqotay 12 dal oo aan gebi ahaanba wax cod ah ka dhiibanin arinta la xiriirta ajandaha ay golaha horkeentay maxkamadda ICG, kaasoo badi dowladihii kasoo qeybgalay kulanka ay Haa ugu codeeyaan, iyagoo sheegay in ficillada Yahuudda ay cawaaqib siyaasadeed yeelan doonaan, inta aan xaalku sidaasi gaarinna wanaagsantahay in la joojiyo dhibaatada ka dhanka ah reer Filastiin.
Ka aamuska in qodob la horkeenay Qaramada Midoobay, ayaa ka dhigan in wakiilka ka socda dalka uu goobta cod bixinta isaga baxo xilliga ay cod bixintu dhaceyso, inta badanna waxay dalalka u sameeyaan si ay uga fogaadaan caqabadaha uga imaan kara haddii ay codkooda dhiibtaan.
Horay ayaa madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxmuud, wuxuu maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Filastiin ku tilmaamay dowlad, iyadoo warbaahinta Yahuudana tilmaameen iney socdaan wadahadallo xoogan oo lagu doonayo in Dowladda Federaalka caadiyeyso xiriirka ay la leedahay Yahuudda.