War kasoo baxay dowladda Venzuela ayaa lagu sheegay, iney gacanta ku dhigeen ciidanka ammaanka, dad kasoo jeeda wadamada reer galbeedka, kuwaasoo ku howlanaa fulinta weeraro ka dhan ah dowladda.
Dadka gacanta lagu dhigay ayaa 2 kamid ah waxay kasoo jeedaan dalka Spain, halka 3 kalena kasoo jeedaan dalka Maraykanka, iyadoo mid kalena uu kasoo jeedo jamhuuriyadda At-Tashiik ama Jeek Ribablik oo dhacda bartamaha qaaradda Yurub.
Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Venzuela ayaa sheegay in labada ruux ee u dhashey dalka Spain, ay xiriir la lahaayeen sirdoonka Spain, ayna qorsheynayeen iney toogasho ku dilaan masuul katirsan dowladda.
Ameerikaanka saddexda ah ee gacanta lagu dhigay ayaa iyaguna waxay dowladda Venzuela ku eedeysay, iney qorsheynayaan howlgal lagu beegsanayo madaxweynaha dalkaas Nikolaas Maduuro.
Dadka gacanta lagu dhigay ayaa waxaa sidoo kale lagu qabtay hub ay doonayeen iney u adeegsadaan howlgallada ay fulinayaan, sida ay sheegtay wasaaradda arimaha gudaha ee Venzuela.
Tan ayaa sii xumeyneysa xiriirka cakiran ee ka dhexeeya dowladaha reer galbeedka iyo dalka Venzuela.