Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay, waxay fuliyeen weeraro lagu beegsaday ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasoo geystay waxyeello kala duwan.
Guutada Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa duqeyn ku garaacay garoonka diyaaradaha ee degmada Dayniile, halkaas oo ay deganyihiin ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka.
Madaafiicda ayaa gudaha ugu dhacay garoonka, mana noo suurogelin inaan helno xogta rasmiga ee khasaaraha.
Dhinac kale, qarax ayaa ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo lagu beegsaday ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.
Qarax ka dhacay deegaanka Geedow Nuur oo dhaca duleedka magaalada Jowhar, ayaa waxaa ku dhaawacmey 7 askari, oo 2 kamid ah dhaawacoodu halis yahay.
Dhanka kale, qarax ka dhacay gudaha degmada Bardaale ee gobolka Baay, ayaa waxaa lala eegtay ciidamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Yuusuf Madaxeey, oo ahaa taliyaha ciidanka “Daraawiishta Koonfur Galbeed” ee degmada Bardaale, ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray qaraxa.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in qarax ka dhacay gudaha degmada Bardaale ay ku dishey 3 askari, oo uu ku jiro sarkaalka lagu magacaabo Yuusuf Madaxeey, kaasoo ay in muda ah ku daba joogtay, kaasoo caan ku ahaa dhibaateynta dadka shacabka ah.