Ehellada wiil dhalinyaro ah oo habeen hore ay dileen ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa isku soo bax ka dhigay magaalada Muqdisho.
Dadkaan oo ka careysnaa dilka wiilkooda ayaa waxa ay dhigeen, dibadbax ay ku dalbanayaan iney cadaalad helaan kaas oo ka dhacay afaafka hore ee isbitaal Madiina.
Kol sii horreysay ayay sheegeen in laga dilay wiil kale illaa iyo haddana aysan helin wax cadaalad ah.