Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar madaafiic ah oo lagu garaacay xerada Xalane, oo ah taliska ugu weyn ee ay shisheeyaha kusoo duulay dalka ku leeyihiin Soomaaliya.
Madaafiicda ayaa beegsaday islamarkaana burburisay xafiiska taliska guud ee ciidanka ATMIS, xarunta safaaradda Ingariiska gaar ahaan qeybta Tumashada, iyo 3 xarun oo uu UN-ka ku lahaa gudaha xerada Xalane.