Fahad Yaasiin oo soo noqday taliyaha Sirdoonka Dowladda Federaalka, iyo la taliyihii dhanka amniga ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku dhawaaqay inuu isaga haray gaashaanbursigii siyaasadeed ee kala dhexeeyey Farmaajo.
Bayaan uu ku saxiixanyahay Fahad Yaasiin oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayuu ku sheegay iney gebi ahaanba kala guureen isaga iyo Farmaajo, waayahoodii siyaasadeedna intan kusoo xirmay.
Wuxuu muujiyay iney jirto khilaafaad keeney inuu qaato go’aankan, inkastoo uu ka gaabsaday inuu si rasmi ah u shaaciyo waxay yihiin.
Fahad Yaasiin ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii aadka ugu dhawaa Farmaajo intii uu xilka hayay iyo intii uu ololaha doorashada ku jiray, waxaana lagu tiriyaa qofka aad ugu dhow dowladda Qatar oo uu horey uga soo shaqeeyay telefeshinkeeda Aljazeera.