HomeAll newsFiqi: Ciidanka Itoobiya iney Amni Sugaan Iska Daaye, Iyaga Naftooda Badbaadsan La'.

Fiqi: Ciidanka Itoobiya iney Amni Sugaan Iska Daaye, Iyaga Naftooda Badbaadsan La’.[DHAGEYSO]

Masuul katirsan dowladda Fedaraalka ayaa sheegay, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ciidanka Xabashida Itoobiya ku go’doomisay 4 gobal oo kamid ah Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Fedaraalka ayaa tilmaamay in ciidanka Xabashida Itoobiya ay ku fashilmeen sugidda amniga degaannada ay joogaan, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna ay ku guuleystay in ciidankaasi ay kusoo ooddo xeryo cayiman.

Magaalo kasta oo ay joogaan ciidanka Xabashida ayuu xusay in haddii ay tagaan masuuliyiin katirsan Dowladda Fedaraalka aysan bannaanka uga bixi karin magaaladaas, sababo ku aaddan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo dul dagan magaalooyinka, weeraro joogta ahna ku haya askarta Xabashida.

Mar uu ujawaabayay C/Casiis Laftagareen iyo xildhibaanno horay usheegay in ciidanka Xabashida ay sugeen amniga goballada ay joogaan ayuu Fiqqi tilmaamay, in iska daa amni ay sugaane ay naftooda badbaadsan la’yihiin.

Halkaan ka Degso Warka Fiqi

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular