Qaar kamid ah gaadiidleyda ka howlgasha gobalka Hiiraan, oo in muddo sugayay in wax laga qabto brucadda iyo isbaarooyinka yaaalla qeybo kamid ah gobalka, ayaa ugu dambeyn hubka qaatay.
Degaan lagu magacaabo Ilkacade ayay ku kulmeen gaadiidleyda iyagoo hubkooda wata, waxayna jareen wadadii degaankaas mareysay, shaqo joojinna ku dhawaaqay.
Beer weyn oo ku taalla degaanka ayay dhufeys ka dhigteen, iyagoona sheegay iney wadadaasi xirnaan doonto illaa xal waara laga helayo.