Khasaare nafeed ayaa ka dhashay haween Soomaali ah oo lagu rasaaseeyay magaalo katirsan dalka Koonfur Afrika.
Habeenkii xalay kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxa ay degmada Philipi ee hoostagta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ku rasaaseeyeen haween Soomaali ah.
Haweenka ayaa xilligii la rasasaaseynayay waxa ay ku dhex jireen gaari yiillay afaafka hore ee xarun ganacsi oo ay ku leeyihiin dalkaasi Koonfur Afrika.
Mid kamid ah haweenkii ku jiray gaariga ayuu dhaawac kasoo gaaray rasaasta ay fureyn burcadda Koonfur Afrikaanka ah, taas oo la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa joobta ka ah dilalka iyo tacadiyada kale ee ay burcadda Koonfur Afrikaanka ah ugeystaan, ganacsatada iyo dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaas.