Maalintii shalay ciidamo katirsan maamulka la baxay Soomaaliland ayaa la sheegay, iney weerar ku qaadeen guriga ay magaalada Hargetsa ka dagan tahay haweeney la dhalatay Xildhibaan Maxamed Abiib oo uxiran maamulkaas.
Fatxiya Abiib oo ah haweeney la dhalatay xildhibaanka xiran ayaa sheegtay, in ciidamo katirsan kuwa maamulka Soomaaliland oo ay qeyb ka ahaaayeen kuwa katirsan sirdoonka ay soo weerareen hoygeeda.
Waxa ay sheegtay in ciidamadu ay baaritaanno ka sameeyeen ka saameeyeen guriga, iyadoo intaa ku dartay in horay loogu diiday in xittaa ay booqdaan xildhibaanka ka xiran.
Waxa ay intaa ku dartay in ciidamo ay xadgudubyo ka geysteen gurigeedeea, islamarkaana ay qaateen dekomentiyadii yiillay guriga.