Haweeney ayaa meydkeeda laga helay hoyga ay ka dagan tahay xaafad katirsan degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.
Haweeneydaan oo lagu magacaabo Canab ayaa muddo 3 maalmood iyadoo meyd ah waxa ay ku jirtay gudaha gurigeeda, ehelkeeda oo mudadaas taleefankeeda soo wacayay ayaa ugu dambeyn sababtay in guriga lagalo.
Intaasi kadib waxaa guriga loogu tagay haweeneyda oo meyd ah, taas oo iyada kaligeed daganeed halkaas. Mid kamid ah ehelka Canab oo saxaafadda la hadashay ayaa ka warbixisay sida ay wax udhaceen.