Qaar kamid ah haweenka ku ganacsada hareera mid kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa jawaab ka bixiyay, hadal kasoo yeeray gudoomiyaha gobalka Banaadir ee Dowladda Fedaraalka.
Madaale oo ah gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa haweenkaan ku eedeeyay, iney sabab uyihiin nadaafad darrada ka jirta magaalada Muqdisho.
Waxa ay sheegeen in gudoomiyaha Dowladda Fedaraalka uu howshiisa gabay, islamarkaana uu doonayo in iyaga uu adeegsado howlihii nadaafadda ee la rabay inuu maamulku ka shaqeeyo.
Waxa ay intaasi ku dareen in lacago laga qaado, saasoo ay tahayna aan waxba loogu qaban.
Halkaan ka Degso Warka Cabashada Haweenka