HomeAll newsHogaamiyaha Kuuriyada Wuqooyi oo Amray in La Dilo Masuuliyiin Katirsan Dowladda.

Hogaamiyaha Kuuriyada Wuqooyi oo Amray in La Dilo Masuuliyiin Katirsan Dowladda.

North Korean leader Kim Jong Un and Premier Kim Tok Hun visit a flood-affected area near the border with China, in North Pyongan Province, North Korea, in this undated photo released July 31, 2024 by North Korea’s official Korean Central News Agency. KCNA via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS IMAGE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. REUTERS IS UNABLE TO INDEPENDENTLY VERIFY THIS IMAGE. NO THIRD PARTY SALES. SOUTH KOREA OUT. NO COMMERCIAL OR EDITORIAL SALES IN SOUTH KOREA.

Kim Jong Un oo ah madaxweynaha Kuuriyada woqooyi ayaa soo saaray amar ku aaddan in la dilo, masuuliyiin tiradoodu gaareyso 30 xubnood, kuwaas oo uu eedeeyay iney ku fashilmeen in xagaagii hore ay ka hortagaan daadad xooggan iyo dhul go’ ka dhacay gudaha dalkaas.

Kanaal kasoo baxa Kuuriyada Woqooyi ayaa sheegay, in madaxweynaha dalkaas uu amar ku bixiyay dilka inta udhexeysa 20 illaa 30 masuuliyiin ah, kuwaas oo lagu eedeeyay fasaad iyo iney ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda.

Warbaahinta qaar ayaa sheegeysa in la fuliyay xukunka uu kol sii horreysay soo saaray madaxweynaha Kuuriyada Wiqooyi kaligii diktaatiirka lagu magacaabo Kim Jong Un.

Daadadka ku dhuftay dalkaas ee uu madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi utoogtay 30-kaan masuul ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 4,000 oo ruux.

Dalka Kuuriyada woqooyi ayaa ah dal uu ka arrimiyo hogaamiyo kaligii talis ah islamarkaana ay warbaahintiisu xadidan tahay, waxa uuna marar badan fuliyay xukunno nuucaan ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular