Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay dilka Xasan Nasrallaah, hogaamiyihii ururka shiiciga ah ee labaxay Xisbullaah, kaasoo lagu dilay duqeyn Yahuuddu ka fuliyeen magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lubnaan.
War kasoo baxay ciidamada maamulka Yahuudda, ayaa lagu sheegay iney si rasmi ah u xaqiijiyeen in Nasrallaah uu kamid noqday hogaamimyaal katirsan ururka shiiciga ah, oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Beyruut.
Waxyar kadib, ururka shiiciga ah ee la magac baxay Xisbullaah, ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku xaqiijiyay in Xasan Nasrallaah iyo tiro kamid ah hogaanka ururka, lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Lubnaan.
Waa khasaarihii ugu cuslaa oo gaara ururka shiiciga ah ee saldhigyada ku leh dalka Lubnaan, xiriirka dhowna la leh Iiraan, waxaana dilkiisa uu ka dhiganyahay dagaalka ka socda mandiqadda loogu yeero Bariga dhexe oo sii adkaada.
Haashim Safiyu-diin, ayuu ururka shiiciga ah ee labaxay Xisbullaah ku dhawaaqay, inuu noqday hogaamiyaha rasmiga ah ee ururka, kadib markii la dilay Xasan Nasrallaah.